Muqdisho, Soomaaliya: Khamiistii la soo dhaafay ee 3-dii Agoosto, 342 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab ayaa loo soo gabagabeeyey barnaamij tababar ciidan oo aasaasi ah. Xafladda qalin jabinta oo lagu qabtay Balidoogle ayaa waxaa ka soo qeyb galay Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dixon, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddow.
“Idinka, iyo ciidamada kale ee Soomaaliyeed, waxaad fursad u leedihiin in aad dhistaan mustaqbalka Soomaaliya, oo uu ugu horeeyso amniga,” ayuu yiri Mudane Dixon. “Dowladda Maraykanka wa idin gabar taagan tahay dadaalkan. Waan sii wadi doonnaa taageerada aan idin siineyno si aad nabad iyo barwaaqo ugu soo dabaalisaan dadka Soomaaliyeed”.
Askartan cusub ayaa ku biiraysa in ka badan 1,700 oo askari oo ka tirsan Kumaandooska Danab kuwaas oo laba iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay door muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, oona sahley xoreynta in ka badan boqol magaalo iyo tuulooyin ku yaalla bartamaha Soomaaliya oo ay kooxda argigixisada ah ka geysan jirtay dhibaatooyin iyo baad.
Dowladda Mareykanka ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ku taageereysa ololaha ay ku wiiqineyso awoodda Al-Shabaab taaso sahleysaa in aysan ka fulinin weeraro gobolka oo dhan, isla markaana ay ka hortageyso maalgelinta sharci darrada ah, iyo in argagixisada aysan Soomaaliya ka dhigin gabaad khatarta ku ah amniga Soomaaliya, Mareykanka, iyo danaha Mareykanka ee Bariga Afrika.
Kaalmadaha ciidan ee Maraykanku uu bixiyo waxay kabeysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee loogu jiro sidda loo hormarin lahaa barwaaqada iyo dimuqraadiyadda labada waddan.
###