U.S. Embassy Statement on the Visit of AFRICOM Commander to Mogadishu

The commander of U.S. Africa Command visited Somalia on November 5 as part of his trip to the African continent. General Stephen Townsend met with the President of Somalia, the U.S. Embassy Mogadishu Chargé d’Affaires, Brian Neubert, and senior US and Somali military leadership in Mogadishu. The visit offered an opportunity to meet with the troops and assess the progress of the campaign against terror networks in the region.

“Our commitment to helping our Somali partners improve security and develop their defense institutions is a top priority,” said Gen. Townsend. “Security also requires continued efforts and coordinated support from the international community to make it work.”

U.S. provides assistance to Somalia in the areas of diplomacy, development, and defense.

Townsend noted the threats posed by the terrorists networks to African partners, US interests in the region and US homeland, calling for vigilance and cooperation to keep both Somalia and the region safer.

“Terrorists need to know that we will pursue them relentlessly to disrupt and degrade them today and prevent their spread tomorrow,” he said.

###

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu booqday Soomaaliya 5-tii Noofembar taas oo qayb ka ah safarkiisa qaaradda Afrika.  Jeneral Stephen Townsend ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku simaha safiirka ee Safaaradda Mareykanka , Brian Neubert, iyo hoggaanka sare ee militariga Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.

Booqashadu waxay siisay fursad uu kula kulmo ciidamada oo uu ku qiimeeyo horumarka ololaha ka dhanka ah la dagaalanka shabakadaha argagixisada ee gobolka.

“Waxaa mudnaanta koowaad leh ballanqaadkeena ah inaan ka caawino saaxiibadeena Soomaaliyeed hagaajinta amniga iyo horumarinta hay’adahooda difaaca, “ ayuu yiri Jen. Townsend. “Si amnigu u shaqeeyo wuxuu sidoo kale u baahan yahay dadaal dheeri ah iyo taageero isku duuban in laga helo beesha caalamka.”

Mareykanku waxa uu Soomaaliya ka taageera dhanka diblomaasiyadda, horumarka iyo difaaca.

Townsend wuxuu xusay halista ay shabakadaha argaggixisadu ku hayso saaxeebada Afrika, danaha Mareykanka ee gobolka iyo wadanka Mareykanka, wuxuuna ku baaqayaa feejignaan iyo iskaashi si Soomaaliya iyo gobolkaba ay ammaan u helaan.

“Argagixisadu waxay u baahan yihiin inay ogaadaan inaan daba joogno oo aan burburineyno maanta ugana hortagaan faafidooda berri,” ayuu yiri.

###